Sheikh Salman al-Awdah waxa uu awal ahaa qofkii wax soo baray Usama bin Ladin. Usama Bin Ladin xataa waxa uu ku amaanay al-Awdah dhowr goor fariimahiisii hadalka iyo muuqaalkaba lahaa. Hasa ahaate, hada al-Awdah waxa uu si cad ugu magacaaba al-Qa'ida inay jabiyeen sharuucdii ilaahay.
Waxa uu waraaqdaan soo socota u diray Usama bin Ladin:
Waraaq la qoray xiliga Soonka bishii Ramadaan oo ku socota Osama bin Laden kana timid Salman al-Awdah
Walaal Osama:
Dhiig intee la eg ayaa ilaa hada la daadiyay, Meeqa caruur oo aan denbi lahayn, haween iyo dad waayeel ah ayaa la dilay, la dhaawacay, iyo laga bara kiciyay guryahooda iyadoo lagu doodayo magaca “al-Qaeda”?
Ma ku faraxsan tahay inaad Ilaahay la kulanto adigoo ay garbaha kaa saran yihiin denbiyadaas waaweyn? Runtii kaasi waa denbi culus – ugu yaraan kumanaan ruux oo aan denbi lahayn, haddiiba aysan ahayn milyano.
Sidee midaas noogu rajeeysay? – ka dib adigoo og in Nabigii ilaahay uu yiri: “ Qof xitaa u dila shinbir si aan sax ahayn waxa uu is arki doonaa isagoo maalinta qiyaame ku hor oynaya ilaahay: Shinbirkii oo leh Ilaahoow qofkaasi si qalad ah ayuu ii dilay. Iima uusan dilin baahi uu ii qabo.”
Diinteenaan aanu leenahay waxay u timid inay difaacdo xitaa nolosha shinbirta yar. Weligeedan ma ay ogolaanayso in la dilo dad aan denbi lahayn, siday doonto ujeedada loo yeelaayo ha ahaate.
Miyaadan aqrin markii uu Nabigu (Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate) yiri: Mid ka mid ahaa nabiyadii hore ayaa intuu hoos fadhiistay geed ay halkii ku qaniintay quraansho. Midaas daraadeed, waxa uu gubay gurigii ay quraanshadu deganay oo kuwo kalena ay ku noolaayeen. Markaasa, Ilaahay waxa uu weeydiiyay: “Maxaad u dili weyday midkii ku qaniinay oo kaliya?’” [Saxiix Muslim]
Ilaahay waxa uu u muujiyay nabigaas: “Sababta? Sababtoo ah hal quraansho ayaa ku qaniintay adiga, adiguna waxaad dab ku qabatay wadan dhan oo quraansho ah oo ilaahay nabadgelyadiisa hoos jooga!” [Saxiix Muslim (2241)]
Haddii ay arintii quraanshadii ku jirtay gurigeeda ay sidaas tahay, bal eeg meeqa ayay gaaraysaa xumaanta ah in bini’aadanka la gaarsiyo xumaan.
Yaa ka masuul ah dhamaanba dhalinyarada muslimiinta ah, ee weli ku jira sanadihii ugu fiicnaa dhalinyaranimadooda, ee ahayd goortii ugu fiicnayd da’dooda, ee raacaya wadada aanay wax fikrad ah ka haysan halka ay u wado?
Fikrada maantay laga qabo Islaamku waa mid dhaawacantay. Dhamaanba dadka ku hareereeysan dunidu waxay leeyihiin sidee ayay diinta Islaamku ku baraysaa in dadka aan qaadan diintooda la dilo. Waxay kaloo leeyihiin in raacitaanka Salafi uu oranaayo in xataa la dili karo Muslimiinta kale ee aan kugu fikrada ahayn.
Hasa ahaate, runta diinta Islaamku waxay oranaysaa in Nabigii (Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate) uusan dilin xiligiisii dadkii ka soo hor jeeday ee been loowyaalka ahaa, xitaa isagoo uu Ilaahay u sheegay cida ay yihiin iyo inay u socdaan meesha ugu hooseeysa ee naarta. Maxay kula tahay inuu faraha uga qaaday? Waxa uu noo sheegay sababtaan soo socota: “ Anigu ma ogolaanayo in ay dadku yiraahdaan Maxamad waxa uu dilay dadkii la socday.”
Walaal Osama, wixii dhacay Sebtember 11 – waxay ahayeen denbiyo aanu si cad u eedeeynayno maalin kasta – waxay ahayd dilitaan loo geeystay dhowr kun oo ruux, qiyaas ahaantii wax ka yar sadex kun oo ruux. taasi waa tiradii dadkii ku dhintay diyaaradaha iyo sidoo kale dhismayaasha markii la isku daro. Sida midaas ka soo hor jeeda, Iimaamada Muslimku - ee aan magacooda la aqooni oo aan la xusin- waxay ku guuleeysteen inay u soo hogaamiyaan boqolaal ruux sidi ay ku noqon lahayeen Islaan, dadkaasina waa dadkii u hogaamiyaya dadka muslimiinta ah sidii uu qalbigoodu ku noqon lahaa mid iimaan leh oo ah cabsida Ilaahay ku badan tahay. Miyaanay aad u kala duwanayn qofkii wax dila iyo kan dadka wax bara?
Ilaahay waxa uu noo sheegay: “Qofkii dila qof bini aadan ah iyadoon qalad ahayn ama aanu qofkaasi aduunka fasahaadinayn, waxay u dhigantaa inuu dilay bini aadanka oo dhan, iyo sidoo kale qofkii badbaadiya hal qof oo bini aadan ahi waxa uu u dhigmaa qof badbaadiyay bini aadanka oo dhan.”
Ku hogaaminta qof kale loogu hor kaco aqoonta diinta iyo iimaanku waa guul weyn. waana mid laga helo ajar weyn.
Walaal Osama, maxaa laga helayaa baabinta wadamo dhan – midaasoo ah waxa aanu ku arkayno inay ka socdaan wadamada Afghanistan iyo Ciraq – anagoo u jeedna inay u baabayaan baahi iyo baa’bid? Maxaa laga helayaa haddii aanu u diidno nabadgelyo iyo inay si degan u noolaadaan? Sadex milyan oo ruux oo qaxooti ah ayaa waxay u carareen wadamada Siiriya iyo Joordan oo kaliya, lamana yaqaan inta u carartay Bariga iyo Galbeedka.
Naxdinta dagaalada sokeeye ee hada sida balaaran uga socda wadamada Afghanistan iyo Ciraaq wax farxad ah uma ay keenayaan dadka Muslimiinta ah. Markii uu nabigu (Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate) uu maqlay nin magaciisa la yiraahdi Harb (Oo macnaheedu yahay “Dagaal” carabiga), ninkii waxa uu markiiba iska badalay magaciisii oo uu qaatay mid kale, sababtoo ah Nabigu waa necbaa dagaalka.
Ilaahay waxa uu yiri “Dagaalka waa la idiin qoray, laakiin waa inaad ka taxadartaan.”
Dagaalku waa wax cadaawo xun leh waana in loo isticimaalaa oo kaliya markii ay jiraan sababo ku haboon oo hab kale oo wax lagu xaliyo la waayo.
Yaa faa’iido ka helaaya inuu wadan sida Moroko, Aljeriya, Lebanon, ama Sacudi Carabiya – ama wadanama kaleba – uu ka dhigo meel dagaal oo uusan qofna nabad gelyo ku qabin? Ujeedadu ma waxay tahay in dowlada la baa’biyo? ka dib, marka midaasi dhacdo, maxay xal u noqon doontaa midaasi?
Kani ma qorshaheena – xitaa haddii ay gaaritaankiisu tahay inaan ku dul socono meydka boqolaal kun oo ruux – oo ah booliis, askar iyo shicib, xitaa Muslimiin caadi ah? Dhimashadooda oo dhan ma la iska ilaabi karaa, oo oran karnaa: “waxaa la soo saari doonaa maalinta yoomul qiyaame iyadoo lagu saleeynayo sidii uu qalbigoodu ahaa markaas.”
Run ahaantii, dhamaanba dadka la dilo waxaa la soo saari doonaa iyadoo ay markaasi lagu saleeyano qalbigoodu sidii uu ahaa. Su'aasha ay hadaba qasabka tahay inaanu is weydiina, sideey doontaba ha ahaate, anagu markii nala soo saaro noocee ayaanu ahaan doonaa? sidee ayaanu noqon doonaa marki aanu la kulano Eebeheen? Sidee ayuu dareemi doonaan qof ay dusha ka saaran tahay dhamaan dadkaas tirada badan ee uu dilay, haddii uu isagu sidaas doonayay ama aanu doonaynba?
Ujeedada gaarsiinta fariinta Islaamku waa mid raad ku yeelan karta dareenka dadka kale ay diinta ka haystaan iyo mid soo jiidan karta. Midaasi waa mid aad uga weyn oo ka culays badan in ujeedada la doonayo in la gaaro in loo maro isticmaal awoodeed si aad qofka kale niyadiisa waxa ku jira u bedesho. “Ilaahay waxa uu u soo diray Rasuulkiisa (Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaate) inuu hanuuniyo bini aadanka, ee ma aha inuu yahay canshuur aruuriye.” Sidii uu oran jiray `Umar b. `Abd al-`Azîz.
Yaa ka masuul ah Walaal Osama – inaanu dhiiri gelino dhaqanka ah inaan la wada xariiri karin kaasoo keenay inay qoysasku kala tagaan oo keenay in wiilashu ay aabahood ugu wacaan inay yihiin gaalo? Yaa ka masuul ah inuu sameeyo dhaqan ah dagaal iyo dilitaan keenay in dad qaraabo ahi dhaxdooda ka dagaalamaan oo dhiigooda dhulka ku qubaan iyagoon wax naxariis ah isku gelayn, intii aanu sameey lahayn inaanu dhiiri gelino fikradaha degenaanta iyo is jaceylka qoysaska Muslimiinta ah dhexdooda ay ahayd inay helaan?
Yaa ka masuul ah nimanka dhalinyarada ah ee ka tagaaya hooyooyinkooda oo u ooynaya; kuwa dayacaya xaasaskoodii; kuwa ay caruurtooda yar yari soo kacayaan subax kasta iyagoo weydiinaya goormuu aabe guriga ku soo noqon doonaa? jawaab noocee ah ayaa la siin karaa, haddiiba uu aabahood dhintay ama aan la ogayn meeshii uu ku danbeeyay?
Yaa ka masuul ah dowladahaan reer Galbeedka ee xiraya barnaamij walba oo caawinaada oo aduunka, kaasoo keenaya in caruurta agoonta, dadka masaakiinta iyo kuwa u baahanba ay waayaan cuntadii, waxbarashadii iyo waxyaabihii kale ee muhiimka u ahaa? Yaa ka masuul ah – walaal Osama– dhalinyaradaan Muslimiinta ah ee xabsiyada ka buuxda, xaaladaasoo keenaysa kaliya in dhibaatooyin iyo dilitaan ku soo bata bulshadeena dhaxdeeda?
Nabi Maxammad (nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate) – oo ah ishayda tilmaanta iyo midaadaba ah – wixii uu la yimid miyaanay kugu filnayn? Waxaa loo soo diray naxariista caalamka oo dhamaanba - Ilaahay waxa uu noogu sheegay quraanka: “Kuma aanaan dirin naxariista caalamka adigoo ah mooyaane.” [Sûrah al-Anbiyâ’: 107]
Kalmada “naxariista” lagama helaayo dhaxdeeda in dagaal la oogo? Halkee ayay naxariis ka tahay in dad la dilo? Halkee ayay naxariis ka tahay in bambooyin la qarxiyo? Halkee ayay naxariisi ka tahay in wadamada Muslimiinta ah dhaxdooda laga dhigo goob dagaal?
Nabigu (Nabadgelyo iyo naxariisi kor kiisa ha ahaate) waxa uu iskugu keenay Carab oo dhan hal meel isagoon hal qof ka dilin. Tirada dadkii lagu dilay mudadii labaatan iyo sadaxda sanno ahayd ee ay howshiisu socotay waxay ka yaraayeen boqol ruux. Dadka Muslimiinta ah ee mudadaas ay cadowgoodu dileena wey ka badnayd intaas.
Maxay kula tahay inay ka helayaan in boqolaal ruux oo Aljeeriyiin ah, ama labo laab tiradaas oo Lubnaaneeys ah, ama sidoo kale Sucuudi Careebiyaa ay qaadaan ficilo dagaal ah – sida ay yiraaheedn, bambo isku qarxin ah? Ficiladaasi waan lagu guulaysan doonin.
Ka soo qaad aan dhahno – malo awaal ahaan oo kaliyee – in dadkaasi ay ku guulaystaan in ay qabsadaan awooda wadadamadaas. Ka dib maxaa dhacaaya? Maxay kula tahay in dad aan waayo aragnimo u lahayn sidii ay u noolaan lahaayeen ay kula tahay inay ka keenayaan inay maamulan dowlad wanaagsan? Dad aan aqoon u lahayn sharciyada Islaamka ee caawinaya oo aan aqoon u lahayn maamulida wadanka gudahiisa iyo siyaasada arimaha dibadaba?
Islaamku ma qoryo iyo rasaas oo kaliyaa? Macnahaadu ma kula tahay inuu noqday mid dhamaad ah?
Fikrada ay dhalinyaro fara badan oo ku kala nool meelo fara badan oo aduunka, ma wicitaan xaga Ilaahay ka yimid baa oo aan la su’aali karin ama wax laga badali karin? Mise waa wax ay bin aadan sameeyeen oo qaldami kara lana sixi karo?
Dhowr ka mid ah walaalahaa jooga Masar, Aljeeriya iyo meelo kale oo fara badan ayaa waxay gaareen dhamaadkii jidka fikradaada. Waxay ogaadeen sida ay baabin iyo qatarta u tahay. Waxay kaloo heleen isku kalsoonaan ay fikradooda ugu muujiyaan qoraal iyo warbaahinba iyagoo sheegay inay qaldameen oo jidkii ay qaadeen uu ahaa jid qaldan. Waxay qireen inuusan jidkaasi marna u horseedayn wax wanaag ah. Waxay Ilaahay ka baryeen denbi dhaaf oo waxay muujiyeen inay aad uga xun yihiin ficiladii qaladka ahaa ee ay ku kaceen.
Dadka leh wadno geesinmo ka buuxdaa waxay sidoo kale u baahan yihiin maskax kalsoonaan buuxda leh.
Ma maqashay codka culumada sharafta leh, kuwaasoo Ilaahay caabuda maalin iyo habeenba oo daacad u ah eebahooda - miyaadan maqlin qayladoodaa la midka ah midii uu nabigu (nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate) uu yiri markii uu Khâlid b. al-Walîd, madaxii ciidamadii muslimiinta, uu qalad sameeyay; Ilaahow danbi kuma lihi waxa uu Khâlid sameeyay.”
Kuwani waa isla erayadii oo dhawaaqooda la maqlayo 1400 oo sanno ka dib iyagoo ay ku qaylinayaan wadaadada Islaamka ah “Ilaahow wax denbi ah kuma aannan lihi waxa uu Osama sameeynay iyo kuwa soo raaca magaciisa oo ku shaqeeya ujeedadiisa.”
Anigu waxaan jecelahay inaan ku xasuusiyo wixii uu yiri Nabi Maxammad (nabadgelyo iyo axariisi korkiisa ha ahaate) uu ku yiri Usâmah b. Zayd – kaasoo aad magaciisa wadato- markii uu nin ku dilay Juhaynah iyadoo uu dagaalku marayo meesha ugu sareeysa ka dib markii uu ninkaasi qiray in aanay jirin wax la caabudo oo aan ilaahay ka ahayn.
Ka dib markii uu nabigu (nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate) uu weydiiyay isaga, Usâmah waxa uu yiri: “Rasuulkii alow! Waxa kaliya oo uu u yiri waxay ahayd waxa uu ka cabsanayay seefta.”
Nabigu (nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahate) waxa uu ugu jawaabay: “Sidee uga jawaabaysaa markii ay qirashadu kugu marqaati furto maalinta yoomul qiyaame?”
Usâmah waxa uu yiri: “Cafis ii weydii, Rasuulkii Alow.”
Waxa uu ugu soo celiyay wixi uu horay ugu yiri:
Marka Osama! “Sidee uga jawaabaysaa markii ay qirashadu kugu marqaati furto maalinta yoomul qiyaame?”
Noloshu, Osama, ma aha inay ahaato hal cashar oo kaliya. Waxaa qasab ah inaan aragno casharo kala duwan oo fara badan inta aanu nool nahay, casharadaasina aad ayay u kala duwan yihiin.
Xaaladaydu aad ugama ay duwana mida dad badan oo kale oo ka walwalaya arimaha dadka muslimiinta. Wadnahaygu aad ayay ii xanuunaan marka aan soo xasuusto dhalinyarada faraha badan ee awooda inay wax kale oo fiican qabsadaan – kuwaasoo wax wayn tari karay bulshooyinkooda, kuwaasoo wax fara badan qaban karay – oo laga dhigay banbooyin socda oo naf leh.
Tani waa su’aasha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay inaad naftaada weydiiso dadka kalena ay doonayaan inaad jawaad ka siiso: maxaad ka heshay sanooyinkaan faraha badan ee dhibaatada, xumaanta, waxyeelitaanka iyo dibka aad marayso aad run ahaantii ka helaysaa?
Anigu waxaan Ilaahay weydiisanayaa inuu dhamaanba dadkoo dhan iskugu keeno runta iyo jidka wanaagsan. Waxaan Ilaahay ka baryaayaa inuu na waafajiyo jidka haboon ee uu raaliga ka yahay.
– Salman b. Fahd al-Awdah
Submissions and suggestions: contact@seventhpillar.net