Nasir Abas waxa uu ahaa hogaamiyihii xisbiga Jamaah Islamiyyah ee wadanka Indonesiya laakiin waxa uu ka tagay kooxdaas markii ay bilaabeen inay weeraro ku qaadaan shacabka sida ay Al Qaciida sameeysay oo kale. Markaas ka dibna waxa uu ka qoray buugag iyo laga wareeystay dhowr mar arintaas waxana u ku sheegay inuu aad uga caraysan yahay dhibaatooyinka loogu geysanayo shacab magaca diinta. Waxyaabahaan soo socdana waa qaar ka mid ah hadalkiisii mudadii waraysiyada lala yeeshay 2005:
"Shaqadeenu waa inaanu badbaadino diinteena islaamka, inaanu badbaadino Muslimiinta, inaanu badbaadino wadankeena hooyo. Kaasa ah Jihaad. Laakiin haddii aad – haddii aanu – u qaadano in Jihaadku macnahiisu yahay in la dilo shacabka, dadka aan Muslimiinta ahayn, Kaasi ma aha Jihaad.”
"...Sababtoo ah waxa aan anigu ku barayo ee dagaalkaa, waa inaad u isticmaasho difaaca wadankaada hooyo.”
"Anigu waxaan aad oga carooday markii aan maqlay qaar ka mid ah saaxiibadeey, qaar ka mid ah qaraabadeeyda, waa og tahaye, sida Ali Grufanis, isagu waa Walaashay ninka qabee. Inay ku lug lahaayeen Qaraxii bamka ee Oktoober ee Bali ka dhacay. Marka anigu waxaan dareemayaa caro, Haa. Anigu waxaan u maleeynayaa in habka ay doorteenu uu ahaa hab qaldan. Waxay si xun u isticmaaleen aqoonta.”
"...midaani waa fursadii iyo waqtigii aan anigu u macnayn lahaa dadka, waa og tahaye, in idoolajigaasi ama fikradaasi ay tahay mid qaldan."
"Waxanu u macneeynay in idiyoolajigaas ama fikradaasi ay tahay waxyeelitaan, oo ay wax yeelayso Islamka, oo ay tahay is fahan daro, si qaldan wax u macnayn – Islamkuna uu ka hadalyo Kitaabka Qoraanka.”
Submissions and suggestions: contact@seventhpillar.net