Buugii Koowaad ee Dr. Fadl ee Ka Soo Horjeeday Argagixisada
Dr. Fadl—waxa uu u dhashay magaca ah Sayyid Imam al-Sharif—waxana uu ahaa sameeyihii xisbigii Islamic Jihaad ee Masar iyo tababarihii Usama bin Ladin iyo Ayman alZawahiri ka hor intii aanay sameeyn Al-Qaciida. Waa ruux muslim wanaagsan ah, dhaqtar xaga caafimaadka iyo hogaamiiyayaashii Mujaahidiinta, Dr. Fadl waxa uu ka soo dagaalamay jiida safka hore ee dagaalkii looga soo horjeeday hantiwadaage ee ka dhacay dalalka Afghanistaan iyo Yemen. Waxaana uu fikradiisa kula noqday xabsiga Masar 2007.
Cairo Al-Misri Al-Yawm 18 Nov 07
[Horudhaca: “Qaasatan, Al-Misri al-Yawm waxa uu soo daabacay dib u eegitaanka fikrada Jihaadka. Jihaadka Illaahay daraadiis ah waxa uu raad ku leeyahay jebinta diinta, mida ugu muhiimsana waxay tahay in wax loo dilo iyadoo lagu saleeynayo wadanka, midabka maqaarka, iyo qoloda”]
Magaciisa qarsoodiga ahi waa Dr Fadl.
Magaciisa dhabta ah waa Sayid Imam Abd-al-Aziz al-Sharif, waxa uu ku dhashay sanadkii 1950 magaalada Bani Suef. Darajadiisu waa Dr, waana dhaqtar ka soo qalan jibiyay Qeybta Daawoyinka, ee Jaamacada Cairo, sanadkii 1974, isagoo la gudoonsiiyay shahaadada baasitaanka.
Dr Fadl waxa uu maantay bilaabay, inuu soo daabaco bogaga wargeeyska Al-Misri al-Yawm oo si qaas ah loogu daabaco Masar, halkaasoo uu ku soo daabacay dib u soo saaritaankiisii iyo dib u soo saaritaanka Ururkiisa, Al-Jihad, qoraalkiisii uu ku magacaabay “Jideeynta Jahaadka Masar iyo Aduunka”, Isagoo gogol xaar uga dhigay in “dokumeentigaasi ay aqbaleen xubnaha mujaahidiinta Masar oo uu u yahay dokumeentigooda heshiiska nabadgelyada ka dhaxaysa ayaga iyo Dowlada Masar.”
Erayada Sayid Imam—kuwaasoo ku oronaaya horudhaca dukumeentigaan in uu leeyahay magac kale oo qarsoodi ah: Abd-al-Qadir Bin Abd-al-Aziz Fadl—waa kuwo sax iyo dhab ah. Bacdamaa uu mujaahidkaas hore Emir ku bilaabay inuu dadka wacdi geliyo xabsiga dhexdiisa, si uu ugu soo bandhigo fikradiisa ku aadan Jihaadka,boqolaal mujaahid ayaa ku raacay fikradiisa. Run ahaantiina, midaasi waxay raad fiican u noqotay xaaladooda sii deynta, ee Wasaarada Arimaha Gudaha oo sii deysay kumanaan mujaahid.
Fadl, Macalinkii iyo Emirkii hore ee Ayman al-Zahawiri, waxa uu ku saleeynayaa dukumeentigiisaan in uu Jihaadka Islaamigaa yahay sii wadida iyo sameeynta fardiga wanaagsan [shaqada diinta] laakiin waxa uu sheegay in “mujaahidiintu” ay ku soo dareen dhowr qaladaad oo keenay in xaduudii ay qaldanto.
"Emirku" waxa uu xooga saaray in dhiiga walaalahaa iyo baabinta hantida iyadoon loo haysan wax sabab ah oo wanaagsani ay tahay waxyaabaha keeni kara carada ugu xun ee Illaahay.
- - -
Mahad waxaa leh Ilaahay, ka kaliya [Ilaahay] iyo abuuraha. Ilaaha janooyinka iyo arladaba iyo wax kasta oo u dhaxeeya. Darajeeyaha, u naxariistaha.
Mahad waxaa leh Illaahay, Ilaaha aduunka oo dhan. Waxaanan ugu mahadnaqaynaa sidii uu u mahadnaqi lahaa midka wanaagsani. Waxaan u gudanaa salaadaheena si nabadgelyo leh iyo qaduuc leh, sida uu na tusay nabiga daacadaa, ee uu Illaahay u soo diray nabadgelyada arladiisa, iyo dhamaanba adooomadiisa. Iyadoo midaas la sheegay, Illaahay awooda badani waxa uu noo soo diray nabigiisa Muhammad, nabadgelyo iyo naxariisi kor kiisa ha ahaate, aqoon barid iyo diin run ah, si ay dadku uga baxaan mugdiga oo ay iftiin u helaan, iyagoo raacaya fasaxa illaahay, inay raacaan jidka toosan. Ilaahay ayaa ku taagyeeray guushiiisa weyn iyo adoonimo raacsan, Salaada Ilaahay iyo nabadgelyadiisana ha siiyo. Inuu Ilaahay diintiisa noo soo mariyo, ilaahay naxariis iyo nabadgelyo ha siiye, iyo dhamaystirida Ujeedooyinkii loo soo diray, in kastoo ay ka hor yimaadeen dacwooyin fara badan oo ka soo hor jeeda. Sidaas la adligeed nabigii, Naxariista iyo Nabadgelyada ilaahay ha siiye, waxa uu ka sameeyay dowlad Islaam ah meel aan waxba ka jirin, ilaa iyo intii ay ka kortay dowladaas, oo ay ku fiday gobaladii carabta, beershiya, Turkiga, Berbers-ka, Kurdiga, iyo Frinjah (Waqooyiga) . Markaas ka dib, iyagoo ku jira maamulkii sare ee Islaam Caliphate, waxa ay u sii balaaratay bariga oo ay ka gaareen ilaa iyo Bangaaladeesh ilaa iyo Marikish (Moroko) iyo Andalisia oo ilaa galbeedka ahayd, ilaa iyo Tashkentm Azerbaijan, iyo Caucus ee Waqooyiga Yemen iyo Koonfurta oo ay ka gaareen ilaa iyo Bahr al-Arab, waxana ay ahayd, boqortooyo jirtay 1,300 sanadood ilaa iyo intii ay Boqortooyadii Ottoman Caliphate ay burburtay Dagaalkii Koowaad ee Aduunka (1914 – 1918) markaasoo ay mirihii Muslimiintu ay yaraadeen oo ay noqdeen wax ku kala baahsan aduunka meel walba.
Markii ay daciiftay Boqortooyadii Ottoman xiligiii qarnigii sagaal iyo tobnaad ee AD, wadamadii Yurub waxay bilaabeen inay qabsadaan wadamadii arligii Islaamka. Wey kala qeybiyeen oo ay debciyeen, ka qaateen hantidoodii, iyo u diideen horumarkoodii warshadaha. Waxay kala qeybiyeen wadamadii iyo dadkoodii, ka dhigeen faqiir iyo kuwo gadaal u socda. Iyagoo u isticmaalaya ciidamo xoog leh, waxay ku soo rogeen sharcigoodii iyo caadooyinkoodii wadamadii muslimiinta ahaa. Ka dib wadamaada Yurubiyaanka ahi waxay ka sameeyeen Wadanka Israa’iil gudaha wadamada Islaamka si ay u daaliyaan oo u ceebeeyaan. Shaki kuma uu jiro waxyaabahaas oo dhan waxaa u keenay wadamada Muslimiinta ah Denbiyadii ay galeen. Sida uu Illaahay yiri “ Mar kasta o ay nasiib xumo kugu dhacdaa waxaa ku keenay waxyaabahii ay gacmahaadu sameeyeen” (Surat Al-Shura, verse 30) [Koranic verse]. Wadamadaas dhibaatadoodu weli kor ayay ugu sii kacaysa wadamada Muslimiinta ah iyo waxay weydiisanayaan in wax intaas ka badan loo qabto, iyadoo uu Illaahay horay u yiri "Weligood raali kaama noqonayaan Yahuud iyo Nasaaro ilaa iyo inta aad ka raacayso diintooda” (Surat Al-Baqara, verse 120) [Koranic verse].
Kor u qaadidii dhaqanadii Yurub iyo sameeyntii sharciyadoodu waxay ku fidisay laaluush iyo dhaqan xumo wadamadii Muslimiinta ahaa dhexdooda. Dad fara badan oo ka mid ah Muslimiintiina waxay dareemeen qatartaas, waxayna ku dhawaaqeen in laga hor tago, ka hor inta aanay kala qeybsanaan balaaran iyo dhibaatooyin dhicin. Waxay aaminsanaayeen u soo celinta wadamada Muslimiinta ah sharcigooda Shareecada diinta Islaamku inay ku saleeysan yihiin dib u habeeyntooda, una haboon tahay wadanka iyo dadkiisaba. Waxaa intaas dheer, in qaadashada shareecada Islaamku ay tahay waajib saaran ruux walba oo Muslim ah oo uu farayo Ilaahay. Denbi ayuuuna ku kacayaa iyo iimankiisu waxa uu noqonayaa mid aan isku dheeli tirnayn haddii uu madba’aas dayaco. Sababtoo ah Illaahay waxa uuna yiri “ Eebahaa ayaan ku dhaartee, ma rumeeyaan intay kugu xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin naftooda dhib, waxaad xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi” (Surat Al Nisa, verse 65) [Koranic verse] . Eebaheen waxa uu sidoo kale yiri “Uma haboona (Umana banaana) nin mu’min ah iyo haweenay mu’minad ah marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan inay khiyaar u yeeshaan amarkooda. Ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisu wuxuu dhumay dhumid cad” (Surat Al Ahzab, verse 36) [Koranic verse]. Amaradaas cad cad ee shareecada waa amaradii hore ee loo soo dajiyay aduunka iyo waxii ka danbeeya. Dhab ahaantiina, ku dhaqanka shareecadu waxa uu si buuxda u siinayaa Muslimiinta waxa ugu haboon ee aduunka iyo aaqiradaba. Sida uu Eebahen na farayo “ Haddii dadka magaalooyinku rumeeyaan (xaqa) oo dhowrsanaadaan waxaan ku furi lahayn korkooda (sii deyn lahayn) barakada samada iyo dhulka, wayse beeniyeen xaqii oo waana qabanay waxay kasbanayee” (Surat Al A'raf, verse 96) [Koranic verse]. Eebaheen waxa uu yiri “ Haday dadku ku toosaan jidka (wanaagsan) waxaan ku waraabin lahayn biyo fara badan” (Surat Al Jinn, verse 16) [Koranic verse]. Taariikhda Muslimiintana waxaa si balaaran uga muuqata inay lahaayeen xadaraad, guulo iyo qaninimo markii ay ku dhaqmayeen shareecada. Taariikhdaas qiimaha leh ee Islaamka ayaa ah waxa kaliya ee maantay uu qofka muslimka ahi ku faani karo.
Waxaa jiray wadooyin kala duwan oo ay raaceen dadka raadinaya sidii loogu dhaqmi lahaa shareecada Islaamka xiligaan hada jira iyo looga hortagi lahaa ceebeeynta iyo hoos u dhigida Muslimiinta ay ku hayaan wadamada quwada waaweyn. Qaar ka mid ah kooxahaas Islaamka waxay go'aansadeen inay dagaalo ku qaadaan dowladaha ka dhisan wadamadooda ama wadamada awooda badan iyagoo ku magacaaba Jihaad illaahay daraadiisa loo sameeynayo si kor loogu qaado diinta Islaamka. Dagaaladaasina waxay ku kala faafeen wadamo kala duwan oo ah bariga fog ilaa galbeedka shishe. Dagaaladaas waxaa ku dhex jiray dhowr waxyaabood oo ka soo hor jeeda sharciga shareecada [saldhiga diinta, macne ka balaaran Shareecada], sida dilitaanka caruurta loo dilo wadanka u dhasheen; u dilitaanka midabka maqaarkooda ama tintooda; u dilitaanka firqadooda; dilitaanka dadka Muslimiinta ah iyo kuwa aan ahaynba ee ay tahay inaan la dilin, iyo ka bad badinta arinta dhibaatooyinka Al-Tatarrus [Denbiga ah dilitaanka dadka aan dagaalamayn ama isticmaalka dadka shicibka ah iyo Muslimiinta dhexdooda in lagu dhuunto si loola dagaalamo cadowga] in la sii balaariyo dadka la dilayo, in la siiyo hantidaada si dadka wax loogu waxyeeleeyo ama hantidooda lagu burburiyo. Ma jraan wax ka weyn oo lagu kasbado carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa in la daadiyo dhiig iyo la buburiyo hantida iyadoo aan loo haysan sabab sax ah. Taasina waa sabab cad oo muujinaysa ku guul daraysasho arlada kor keeda iyo la xisaabtan ku sugaya maalinta qiyaame. Eebe waxa uu yiri " .... ha ka digtoonaadaan kuwa khilaafi amarka Nabiga inay ku dhacdo fidmo (masiibo) ama ku dhaco cadaab daran" [Surat Al Nur, verse 63) [Koranic verse].
Dadka soo saxiixay dokumeentigaan, iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin jebintaas loo geystay sharciga shareecada iyo dhibaatooyinka ay abuurtay, waxay xasuusinayaan naftooda iyo Muslimiinta guud qaar ka mid ah kontroolada diinta ee dagaalka Jihaadka. Waxa ay xaqiijinayaan ku dhaqankooda kontoroolada dokumeentigaan lagu soo xusay. Waxay ugu yeerayaan Muslimiinta kale, qaasatan dhalinyarada Islaamka ah, inay raacaan sharuucdaas, oo ay iska ilaaliyaan inay jabiyaan sharciyada shareecada sida ay sameeyeen dadkii ka horeeyay, taasoo ka timid jaahilnimo xaga dinta ama ujeedo ula kac ah. Dadkii ka horeeyay diina ma aysan haysan aduuna ma aysan haysan, bacdamaa uu Jihaadku yahay amar diineed la farayo Dadka Muslimiinta ah, uuna Eebe na faray iyo ilaa iyo inta kufarta midka ugu danbeeya oo uu Nabi Ciise nabadgelyo korkiisa ha ahaate lala soo bixinayo, maalinta yoomil qiyaame, sida uu Nabigeenii Muxammad Nabadgelyo iyo Naxariisi kor kiisa ha ahaate uu noo sheegay. Nabigeenii waxa uu ku tilmaamay Jihaadku sida "Kor u qaadida Islaamka", Si uu Eebe u ilaaliyo Muslimiinta diintooda iyo aduunkooda, sharafooda aduunka iyo aaqiradaba. Taasi waxay muhiim u tahay in loo fahmo ujeedada diineed ee Jihaadka ah inay tahay sidaas.
Waxaamu u sameeynay qodobadaas in loo raaco sharciga Jihaadka, oo aanu ku cadeeyaynaa inaanu raacsan nahay. Waxaanan ugu baaqaynaa muslimiinta guud, qaasatan kooxaha Jihaadka uga jira meelaha kala duwan ee aduunka inay raacaan sharuucdaas. Sameeynta midaasna waxay naga tahay inaanu qabano waajibaaka naga saaran inaanu bixino talo ilaahay daraadiisa iyo kitaabiisa, iyo Nabigiisa, Naxariis iyo Nabadgelyada Ilaahay korkiisa ha ahate, iyo muslimiinta guud ahaanba. Waxaanu oranaynaa anagoo si buuxda u qirayna iyo u sheegayna inaanu og nahay in walaalaha Mujaahidiinta ah ee meel kasta jooga, ay guud ahaan, difaacayaan sabab sharaf leh iyo ajar leh. Run ma aha inay doonayaan hanti aduun. Run ahaantii, intooda badani waxay sameeyeen ka samrid ay ka samreen aduunyada hantideeda iyadoo ay ujeedadoodu tahay guusha Islaamka iyo Muslimiinta.
Qodobada Dokumeentiga:
Midka Koowaad: Diinta Islaamka
Diinta Islaamku waa diintii ugu danbeeysay ee Ilaahay weyn uu ku soo gaba gabeeyay fariimahii uu janada ugu soo diray abuurkiisii. Waxaana uu u soo dhiibay oo uu u doortay nabiyo iyo rasuulo kala duwan, oo uu ugu danbeeyay Nabi Muhammad Nabadgelyo iyo Naxariisi kor kiisa ha ahaate.
Islaamka waxaa laga doonayaa inay ku dhaqmaan dhamaanba dadkii la siiyay kitaabka[inay ilaahay caabudaan], haddii ay bini aadan yihiin ama jiniba, laga bilaabo markii loo soo diray Nabiga, Naxariistii iyo Nabadgelyadii Eebe korkiisa ha ahaate ilaa iyo maalinta yoomul qiyaame. Eebe waxa uu nogu sheegay quraanka " Kumanaan dirin waxaan dadka oo dhan ahayn, adoo u bishaareeynaya Mu’miniinta iyo una digi gaalada” (Surat Saba, verse 28) [Koranic verse]. Ilaahay awooda lihi waxa uu yiri: "Waxaad dhahdaa, dadow anigu waxaan ahay Rasuulkii Eebe” (Surat Al Al A'raf, verse 158) [Koranic verse]. Xadiis saxiix ah [oo la isku raacay] Ayaa Nabigu waxa uu ku oranayaa, Naxariis iyo Nabadgelya Eebe ha siiye “Rasuulada waxaa loo so diri jiray qolooyin qaas ah, laakiin aniga waxaa la ii soo diray dadka oo dhan”. Midkaas waa la isku wada raacay, iyo dhamaanba bini aadanka ilaa iyo Intii Nabiga loo soo diray ilaa iyo maalinta yoomul qiyaame waxay yihiin “dad isku mid ah” si ay u soo galaan diinta Islaamka. Waxaa lagu magacaabay markii uu Ilaahay sheegay “Dadkood sida quraanka ku qoran. Kuwa wax maqlana waa “Dadkii ka jawaabay” Muslimiinta kuwa uu ilaahay Quraankiisa ku tilmaamayo “Dadkiinaas rumeeyayoow”.
Taasi waa intii quseeysa bani aadanka . Ujeedadii Nabiga ee Jinigana, waxaa looga hadlayaa dhamaabda Suurat Al Ahqaf iyo biloowga Suurat Al Jinn.. .
Macnaha isku Isku xirka Dhaqanka Diinta Islaamka: waxay tahay in Ilaahay weyni uusan u xisaabayn abuuristiisa kuwaasoo loo sheegay ilaa iyo Intii Nabiga Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaate loo soo diray, wixii aan ka ahayn arimo diinta ku saleeysan, laga bilaabo markii ay arkaan Malakamoodka Dhimashada ilaa iyo inta iilka laga dhigayo, markaas ka dib maalinta yoomul qiyaame iyo xisaabteeda oo ay kama danbeeystuna ay tahay Janno sare ama naar kulul. Marka kuwa aan adeecin diinta Islaamka, ama kuwa inta markii hore soo galeen diinta Islaam ka dibna jebiyay shareecada diinta iyagoo ku kacaya mid ka mid ah denbiyada waaweyn, waa kuwo qasaaray haddii ay ku dhintaan sida ay yihiin. Eebe waxa uu noo sheegay: "Ruuxii doona diin aan Islaam ahayn, laga aqbali maayo, Akhirana waxa uu noqon doonaa kuwa khasaaray" [Surat Al Imran, verse 85) [Koranic verse]. Ilaahay waxa kaloo uu noo sheegay: "... Cidii ka gaaloowda quraanka iyo nabiga oo xisbiyada ka mid ah naar baa balan u ah… (Surat Hud, verse 17) [Koranic verse]. Ilaahay waxa uu noo sheegay: "Waxaa dhab ahaan loogu waxyooday adiga iyo kuwii kaa horeeyayba Nabiyow hadaad wax la wadaajiso (Eebe) waxaa buri camalkaada, waxaadna ka mid noqon kuwa khasaaray " (Surat Al Zumar, verse 65) [Koranic Verse]. Sheekha Islaamka ah ee Ibn Taymiyah, Ilaahay ha u naxariistee, waxa u yiri "Waa danbi la yaqaan oo aan la cafin-– iyo midaas waxaa isku wada raacay dhamaanba Muslimiinta – in qofkii dadka ku wacdiya inay raacaan diin aan ahayn diinta Islaamka, ama raaca shareeco aan ahayn shareecadii nabi Mohammad, Naxariista Ilaahay iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaate, inuu yahay Kaafir [gaal]” (Fatwooyin la soo aruuriyay, Cutubkii 28).
Macnaha Diinta Islaamku: waa "istislam" [Oo Carabiga ah Is dhiibe], ama in aad naftaada dhamaanteed ay hogaamiso shareecada Ilaahay. Midkaas waxaa lagu magacaaba in aad Ilaahay oo kaliya adoon u noqoto, adigoon cidna la wadaajinayn. Sida uu Ilaahay yiri: Xasuuso markii uu Eebe ku yiri hogaansanow, oo uu ku yiri waan u hogaansamay Eebaha caalamka" (Surat Al-Baqara, verse 131) [Koranic verse]. Isdhiibida noocaas oo kale ah, oo ah in qofku naftiisa u ogolaado in la hogaamiyo, iyo adoonimada noocaas ah waxaa lagu gaaraa caabudaada Eebe hab uu raali ka yahay, ma aha anagu sida aanu doonayno, iyadoo la raacayo shareecada sida ay na farayso wax kasta oo aanu qabanayno mid yar ama mid weynba, oo aan ahayn oo kaliya salaada iyo iimaanka. Taasina waa waxa uu Ilaahay si cad noogu sheegay isagoo yiri: "Waxaad dhahdaa, salaadeeyda, waxaan gowrici, noloshayda iyo geeridaydaba Eebaa iska leh, Eebaha Caalamka. (162). Wax la wadaagana ma jiro, saasaana la i faray, Anigaana ugu horeeya Muslimiinta (Umadaan)" [Surat Al An'am, verses 162 & 163) [Koranic verse]. Illaahay waxa uu yiri: "... iyo waxaanu kugu soo dejinay kitaab oo ah cadeeynta wax kasta…" (Surat Al Nahl, verse 89) [Koranic verse]. Sida ay fariinta diinta Islaamku u quseeyso dhamaanba bini aadanka, “ taasi waa awamiir iyo iimaanka guud” , waxaa sidoo kale looga doonayaa inay ugu dhaqmaan dhamaanba wax kasta oo ay noloshooda qabanayaan, “tanina waa ujeedada guud”. Midaas waxaa laga doonayaa ilaa iyo maalinta yomul qiyaame, halkaasoo aanu jirin Nabi soo baxaya Nabi Muhammad ka dib, Naxariistii Ilaahay iyo Nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaate.
Haddii fulinta diinta Islaamka sidii uu Eebe ku faray aad ka hormariso sida aad jeceshahay, waa jabin ama denbi shiraako ah. Denbiyaduna wey kala darajo duwan yihiin:
- Qofkii ka hor mariya fulinta awaamirta Ilaahay kuwiisa oo ha arin yar, midkaani waxa uu ku kacayaa denbi yar “midkaasoo ah amar diido”;
- Qofkii ka hor mariya fulinta awaamirta Ilaahay kuwiisa oo ha arimo waaweyn, midkaasi waxa uu ku kacayaa denbi weyn “midkaasoo ah moraalka u xun oo qatara “;
- Qofkii ka jabiya fulinta awaamirta Ilaahay oo ka hor mariya kuwiisa oo ha arimaha ku saabsan caabudaada Ilaahay kaasi waxa uu ku kacayaa "Kufaarnimo" [Gaalnimo].. Sababtoo ah Ilaahay waxa uu ku tilaamay kufrigu inuu yahay "Denbiyada ugu waaweyn" (Surat Al Waq'iah, verse 46) [Koranic verse]. Ilaahay weyn waxa uu noo sheegay: " ... Ruuxii ilaahay wax la wadaajiyaa waxa uu been abuuray denbi weyn " (Surat Al Nisa, verse 48) [Koranic verse].
Eebaha weyni waxa uu naga xaarintimeeynayaa inaanu sameeyno denbiyadaas kala duwan. Ilaahay waxa uu yiri: "... wuxuuse Eebe idinla jecel yahay Iimaan, una qurxiyay quluubtiina, wuxuuna idinla nacay gaalnimo, faasiqnimo, iyo caasinimo…” (Surat Al Hujurat, verse 7) [Koranic verse]. Dhamaanba denbiyadaas ruuxu waa ka toobad keeni karaa mudada uu arlada ku nool yahay. Kuwaase ku dhinta iyagoon ka toobad keenin denbiyadooda, kuwaasi waxay si cad ugu ooli doonaan buugooda ajarka iyo denbiga, Al-Bayhaqi waxa uu ku tilmaamay buugaas "Shu'ab al-Iman", sida uu noo sheegay Al-Hulaymi, Illaahay ha u naxariistee.
Buugiisa lagu magacaabo "Dib u soo celinta Sharuucda Shareecada ", cadadkiisii koowaad, Imam al-Shatibi, Illaahay ha u naxariistee, waxa uu ku sheegay in "Ilaahay waxa uu u sameeyay Shareecada hab aanay maskaxdu filanayn oo ay tahay in loo raaco sidaa uu Ilaahay u soo dejiyay”. Taasi macnaheedu waxaa weeyaan amar lagu faray inaad qabato, marka qofka Muslinka ahi waa inuusan sameeyn wax ka soo hor jeeda sida ku qoran shareecada, taasi waa mid ka duwan sida uu Eebe doonayo.
Marka laga hadlayo arinta Jihaadka loo sameeyo Ilaahay daraadiis, midkaani waa mid ka mid ah xubnaha iimaanka, ama “Kor u qaadida awooda Islaamka”, Sida si saxiix ah looga soo wariyay Nabigii Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaate. Arintaani waa mid weyn, jidka Jihaadka, Markii uu qofka adoonka ah ee Muslinkaa uu fuliyo waxa uu Ilaahay farayo isagoo aanka hor marin waxa ay naftiisu jeceshahay. Midaas waxaa la sameeya markii uu qofka Muslinkaa og yahay Howlaha uu Ilaahay faray inuu qabto waqtiyada qaarkood, sida ay awoodiisu tahay u qabto, waana loo dhaafayaa denbiyada uu geysto isagoon awood u lahayn qabashadooda. Ajar ayuu ka helayaa waxa uu awoodo inuu qabto ee uu qabtay, waana loo dhaafayaa wixii uusan awoodin qabashadooda. Habkaasiina waa sida uu Muslinku u qabto arimaha oo dhan, Jihaadka iyo arimaha kaleba. Laakiin inuu qofka Muslimkaa uu isku dayo inuu qabto wax ka weyn awoodiisa oo aan ku haboonayn xaaladiisa, xitaa haddii ay tahay arin sax ah, oo uu u raaco jid kasta oo uu arintiisa ku gaari karo, isagoo aan raacayan wixii ay Shareecadu fartay, markaas armiihiisa ayuu ka hor mariyay kuwii uu Eebe faray inuu qabto. Habkaasina ma ah habkii Muslimiinta laakiin waa hab ay sameeysteen dadka gadaal ka soo baxay. Diinta islaamku, ma ay jiraan wax la yiraahdo “Natiijadu waxay u dhigantaa waxa la qabanayo”, Xitaa haddii natiijadu tahay mid sax ah biloowga. Laakiin Muslimiintu waxay Ilaahay u caabudaan iyadoo haddii uu niyeesto inuu wax fiican sameeyo loo qoro ajarka. Haddii uu dhinto intuusan dhamaayn howshaas, waxa uu helayaa ajarkeeda, waana loo dhaafa wixii uusan awoodin inuu qabto. Sida uu Eebe na farayba "Ruuxii ku hijrooda jidka Eebe, waxa uu ka heli dhulka magangelyo badan iyo waasacnimo, ruuxii ka baxa gurgiisa isagoo u hijroonaya xaga Eebe iyo Rasuulkiisa markaas uu haleelo mawdku (geeridu) wuxuu ku sugnaaday ajrigiisu Eebe (fadli dartiis) Eebena waa Dambi dhaafe, naxariiste ah" [Surat Al Nisa, verse 100) [Koranic verse]. Ruuxii raaca jid aanay u fasaxin shareecadu, ficilkiisu waa mid aanay waxba ka jirin oo aan la ogolayn, Ilaahayna kama uu aqbalayo. Sida uu Ilaahay weyni yiri: "... Illaahay waxa uu ka aqbalay sadaqadii midkood (kaliya) kuwa saxsan”. (Surat Al Ma'idah, verse 27) [Koranic verse]. Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate waxa uu yiri “Kuwa sameeya ficil aan la farin, ficilkoodaas waa la diidaa”, iyadoo laga soo wariyay mid ka mid ah Muslimiinta [Mid ka mid ah qorayaashii axaadiista nabiga inuu yiri]. Macnaha “diiditaanka” halkaan waxaa loola jeeda inuusan Ilaahay ka aqbalayn ficilkaas. Marka sameeynta waxa wanaagsan waa shaqo ay tahay in la eego ka hor inta aan ficilka lagu dhaqaaqin, sababtoo ah Ilaahay waa nagula xisaabtamayaa waxa uu naga doonayo inaanu sameeyno iyo waxa uu nagu faray shareecada, laakiin ma ah wixii aanu anagu iskala nimid inaanu sameeyno ama ogolaanay.
Qofka Muslimka ah waxaa laga doonayaa inuu u dhaqmo sida ay shareecadu farayso, ajar ayaana Ilaahay ka siinayaa isku daygiisa sameeynta wixii la faray ah ee awoodiisa ah. Ilaahay uma uu xisaabayo wixii ka weyn awoodiisa ee aanu qaban karin iyo wixii kale ee ay aqoon daro u geysato. Midaasina waxay ku cadahay aayadahii korka lagu soo sheegay "Qofkii gurigiisa ka haajira” iyo sida uu yiri Nabigu, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahate, waxa dhici doona maalinta yomul qimaame marka la soo saaro nabiyada iyo umadahoodii loo soo diray. “iyo marka uu nabigu la yimaado labo nin, iyo nabiga kalena uu la yimaado hal nin, iyo nabi kalena uu yimaado kaligiis”. Xadiiskaas waxaa laga weriyay Ibn Abbas, Ilaahay ha u naxariistee. Xadiiskaasi waxa uu ku saabsan yahay ka danbeeynta awaamiirta Ilaahay, kuwaasoo uu ahaa "Ukasha uu kaaga horeeyay ". mid kasta, nabadgelyo korkooda ha ahaate, waxay sameeyeen wixii uu Ilaahay faray iyagoo fariintiisa gaarsiiya. Ilaahay kulama xisaabtamayo tirada inta raacday. Sidaas la adligeed Muslimiinta waxaa laga doonayaa inay raacaan sida ay shareecadu farayso, laakiin ma aha inuu wax u qabto sida uu jecel yahay, taasina waxay jirtaa Ilaahay inuu ka aqbalo. Natiijo fiican ayaana la helayaa haddii sababta wax loo qabanayo ay tahay mid sax ah, haddii aanay natiijadu si kale noqon. Taasina waxay na tusinaysaa inaysan run ahayn in “ficil walba oo aan la dhamaystirini uu yahay mid aan waxba ka jirin”. Tusaale ahan, halkaan mid ka mid ah rasuuladii umadihii hore loo soo diray nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate, kaasoo sameeyay u doodii loo soo diray laakiin ruuxna uusan rumeeyn, marka ujeedadiisii ama qaar ka mid ah lama gaarin. Ficlikiisaas ma waxaa laga dhigay midaan waxba ka jirin? Sababtoo ah Ilaahay waxa uu na faray : " Umanaan dirin rasuul in la adeeco mooyaane, idinka Eebe" (Surat Al Nisa, verse 64) [Koranic verse]. Laakiin waxaa jira nabiyo aanu ruuxna adeecin. Ficlikiisii ma la baabiyay sababtoo ah ma uusan gaarin natiijadii laga doonayay? Midaasi waxaad ka ogaan kartaa in aanay haboonayn in lagu dabaqo cutubka aanu soo dhaafnay ficil walba oo hoos uga dhaca gaaritaanka ujeedadiisii, oo kama danbeeystiina la yiraahdo waxba kama jiraan. Midaasi run ma aha. Haddiiba ficilka la qabanayaa uu waafaqsan yahay shareecada, qofka muslimka ahi waxa uu ajar ka helaa qeybta ay awoodiisu u ogolaatay inuu qabto, xataa haddii uusan gaarin ujeedadiisii, sida lagu soo cadeeyay aayadaha horay loo soo sheegay. Oo uu Ilaahayna quraankiisii ku yiri: "Ruuxiise wax yar oo khara fala wuu arki, kiise wax yar oo shar ah fala wuu arki" (Surat Al Zalzalah, verses 7 iyo 8) [Koranic verse]
Submissions and suggestions: contact@seventhpillar.net