Hassan Hattab, Sameeyahii Kooxda Dagaalyahanada Salafista ee Aljeeriya, waxaana uu ka tagay kooxdaas 2003, ka dib markii ay iska hor yimaadeen hogaamiyihii ku xigay AbdelmalekDroukdel sharci ahaanta dilitaanka dadka shacabka ah.
Hattab waxa uu isku dhiiibay ciidamada Aljeeriya dhamaadkii Sebtember 2007 iyo ilaa iyo markaas waxa uu dhowr mar ugu yeeray ciidamada xag jiray inay hubka iska dhigaan.
Hattab, waxa uu ku qoray wargeeysyada Aljeeriya dhowr qoraal oo uu ku canbaareynayo weerarada lagu qaadayo Aljeeriya. Mid ka mid ah qoraaladiisa, waxa uu ku qoray sidatan:
"Wa maxay sharciga iyo niyada noo ogolaanaysa inaanu midaas sameeyno?”
"Kani ma Jihad dhab ah oo uu Ilaahay raali ka yahay?"
"[ficilada argagaxisnimada] waxba u qaban maayaan Islaamka iyo Muslimkaba iyo waxay ka soo horjeedaan waxyaabihii aan anigu horay idiinka digay.”
"U soo noqda bulshada iyo qoysaskiinii; bulshadu diyaar bay idiin tahay inay gacmo furan idinku soo dhaweeyso oo ay idinka bogsiiso dhaawacyada.”
Submissions and suggestions: contact@seventhpillar.net