Qoraalka hoos ku qoran waxa qoray Dr. Muhammad Tahir-ul-Qadri’s “Fatwada isku dilka bamka iyo Argagixisanimada” May 2010.
Waxa uu wax ku bartay Jaamacada Barashada Cilmiga Islaamka ee Punjaab, Bakistaan oo uu ka qaatay shahaadada Sharciga, taasoo ka dhigaysa qof u qalma inuu ka hadlo sharciga diinta.
Balaarnaanta iyo xadka ay fatwadaani gaarayso waxaa loola jeeda in ay shakika ka saarto, iyo arin walba ay falanqayso, si looga saaro arin walba oo lagu doodi karo oo ogolaanaysa weerarada is qarxinta ah ee la sameeynayo iyo caawinaadooda la bixinayo. Run ahaantii, Dr Tahir-ul-Qadri waxa uu horay ugu sii talaabsaday talaabada dhabta ah iyo uu sheegay hab ahaan isdilida bamka la isku qarxinayo iyo weerarada lagu soo qaadayo dadka shacabka ahi in aanu Islaamku ka soo horjeedin oo kaliyee, laakiin waxa uu ku tilmaamay inay yihiin qaladaad dhamaanba loo geysanayo Islaamka, macnaheeduna uu yahay, inaad tahay qof gaal ah. Waxaa intaas sii dheer, waxa ay culumada Islaamku ku tilmaameen arintaas, oo ah inay baabinayso howshii diimeed, taariikheed, iyo tixraacyada sare. waxayna culumadu u soo jeedinayaan inay qasab ku tahay Dowlada Islaamku inay wadamadooda ka baabiyaan waxyaabaha argagaxisada ku dhax abuuraya bulshadooda.
“Anagoo si balaaran u falanqeynay calaamadiihii, waxyaabihii ay aamin sanaayeen iyo fikradihii khawarij sida lagu soo sheegay aayadaha quraanka, sunadii nabiga iyo fikardihii garsoorayaashii talo bixinta, waxaanu ogaanay in argagaxisadu ay tahay khawarijka casriga ah ee waqtigeeena.”
“Ma aanu ka raadinayno naxariis dowlad, ama ururo caalamin ah oo awadood leh. Sidii aanu mar kasta sameeyno, waxaanu arintaan u qaadanay inay tahay howlo diimeed oo ay tahay qasab inaanu qabano.”
“Maalmahaan. Dadka argagaxisada ahi waxay isu dayaan inay dadka ku qasbaan fikradooda iyo waxa ay aaminsan yihiin iyo inay ka tirtiraan aduunka dadka iyaga ka soo horjeeda, inay shicibka u dilaan iyagoon u aaba yeelayn iyo iska dilaya meel walba oo ay joogaan sida masajidyada, suuqyada, xafiisyada dowlada iyo meelaha kale ee ay bulshadu iskugu timaado iyagoo ku timaamay in dadkaasi ay gaalnimo cad ku dhaqmayeen. Waa wax laga digtoonado oo ku ceeboobay aduunka iyo aaqiradaba. Argagaxisnimadu, noocay doontaba ha ahaate, waa ficil muujinaya gaalnimo iyo diiditaan waxa uu Islaamku u taagan yahay. Markii lagu soo daro waxyaabaha la mabnuucay ee is dilitaanka ah, qasaarahiisa iyo xatkiisu waxa uu noqdaa mid balaaran.”
“Waxaa laga yaaba inay run tahay in waxyaabaha lagu andacoonayo inay ka danbeeyaan ficilada argagaxisnimada degaanka, wadanka iyo caalamkaba ee aduunka ay ku jiraan: in cadaalad daro lagu hayo Muslimiinta meelaha qaarkood, laba wajiilanimada ka muuqata wadamada quwada weyn, iyo faragelintooda socota mudada dheer ee dhowr wadan oo Islaam ah ay ku hayaan iyagoo ku andacoonaya inay baabinayaan argagixisada, Laakiin habka ay isticmaalayaan aragagixsada ee ah weerarada iyo dilitaanka shacabku waxay noqdeen arin iska caadi ah, iyadoo loo adeegsanayo habab is qarxin ah oo loo geysanayo shacab aan waxba geysan iyo dad nabadgelyo bixinaya, iyadoo la qarxinayo masaajidada, meelaha wax lagu caabudo, meelaha wax lagu barto, meelaha ganacsiga, dhismayaasha dowlada, suuqyada, dhismayaasha nabadgelyada iyo meelaha kale ee bulshadu iskugu timaado: Kuwaasina waa denbiyo waaweyn oo ka soo horjeeda bini aadanimada iyo ficilada waxaashnimada asaasi ahaantooda. Dadkaasi waxay ku sheegaan ficilkoodaas baabininta bini aadanimada iyo dilitaanka kumanaanta ruux ee aan waxba geysan inuu yahay Jihaad (Dagaalka looga soo horjeedo sheeydaanka) iyo figradahaas waxay waxyeelayaan iyo macno dilayaan Ujeedada Islaamku ka leeyahay Jihaadka. Xaaladaani waxay ku abuuraysaa Muslimiinta, qaasatan dhalinyarada, inay ku dhacaan hab shaki uu ku jiro oo wareersan, oo jah wareerinaya fikradooda ku aadan Jihaadka, sababtoo ah dadka ku kacaaya denbiyadaas waa weyn waa dad ka mid ah Muslimiinta. Dadka denbiyadaas geysanayaa waxay ku ku dhaqmaan sharuucda Islaamka, waxay sameeyaan caabudaad iyo soo ban dhigaan shareecada. Midaasi shaki ma gelin oo kaliya muslimka caadiga ah, laakiin waxay sidoo kale shaki galisay dad badan oo wax ka yaqaan diinta Islaamka iyo aqoonyahano, kuwasoo wareesan iyo doonaya inay wax badan ka ogaadaan run ahaanta caqiiqada dhabta ah ee uu Islaamku arintaas ka qabo, habka iyo waxyaabha ay shaqsiyaadkaas iyo kooxahaasi sameeyeen ee dhibaatada abuuraya.”
“Suurado badan oo quraanka ah iyo Sunadii nabiga ayaa cadeeynaya dilitaanka Muslimiinta iyo agagaxisnimaduba ina sharci daro ka yihiin Islaamka; run ahaantii waxay yihiin denbiyo waaweyn. Midaasi waa fikradii ay qabeen aqoonyahanadii diinta ee 1400 sanno ee taariikhda Islaamka jiray, oo ay ku jiraan dhamaanba Iimaamadii soo xaqiijiyay Tafsiirka iyo Axaadiista iyo maamulayaashii sharciga caadiga ah. Islaamku waxa uu furay albaabada wada xaajoodka iyo wada hadalka si uu si maquul ah wax uga dhaadhiciyo dadka, intii uu qaadi lahaa hubka si uu ugu muujiyo in dadka kale ay qaldan yihiin, iyo dhaqangelinta fikradooda ay aaminsan yihiin. Dadka ay hayso aqoondarada, maseerka iyo xumaanta ayaa dagaal ku kaca. Islaamku waxa uu ayaga ku tilmaamaa inay yihiin denbileeyaal. Oo ay naarta ku danbeey doonaan.”
“ Xaaladaha keenaya mabnuucnimada dagaalada dowlada ka soo horjeeda ee ku qoran suuradaha quraanka, sunadii nabiga iyo fikradaha garsoorayaasha ayaa waxay marqaati u tahay arintaas. Iyadoo ay sidaas qabeen axsaabtii, iyo dadkii soo raacayba, Imam Abu Hanifa, Imam Malik, Imam Shafai, Imam Ahmad Bin Hanbal iyo garsoorayaal kaleba, runta ayaa halkan lagu soo badhigay si cad u muujinaysa in si loo dhan yahay la iskugu wada raacay inay mabnuuc tahay in dagaal lagu qaado dowlad Muslim ah, mana ay jiraan wax ay ku kala duwan yihiin fikradaha culumadaas.”
Submissions and suggestions: contact@seventhpillar.net