Mohammed El Fazazi, waa wadaad xag jire ah oo loo xiray qeybtii uu ka qaatay qarxintii bamka ee Marooko ee ahaa weerarkii argagaxisada ee sanadkii 2003, ayaa waxa uu waraaq u soo qoray gabadhiisa uu uga digayo qaar ka mid ah qalalaasaha July 21, 2009.
Gabadhayda ayaa waxay wax iga soo weydiisay dhowr su’aalood si ay jawaab ugu hesho xaalada dadka qaxootiga ah ee Muslimiinta ah ee ku nool wadanka Jarmalka iyo xiriirka ay la leeyihiin dowlada Jarmalka. Anigu waxaan nafteeyda u arkaa midaasi tahay mid nasiib leh bacdamaa ay biloowday inay igala hadasho arintaas sababtoo ah waxay midaas i siisay fursad aan ku muujiyo fikradayda iyo waxa ay ila tahay arintaas iyo inaan siiyo jawaab dadka doonaya.
Anigu waxaan marka hore jecelahay inaan halkaan ku cadeeyo in Anigoo ah, Muhammad bin Muhammad El Fazazi, qoraaga waraaqdaan, aan la igu qasbin inaan waraaqdaan qoro. Wax culays ahna ima saarna si aan u qoro waraaqdaan, sababto ah anigu waxan ku jiraa xabsiga ama aha in la i saaray culays si aan waraaqdaan u qor ama aan anigu iska dhigayo waxaanan ahayn - iyo, cadeeyn ahaanta arintaas, waa in loo qaataa dood maquul ah iyo doodaha shareecada ee aan idin soo hor dhigi doono.
Waxaa intaas dheer in, xaaladeeyda xabsigaMarooko ay tahay wax aan caadi ahayn, iyadoo la eegayo xaquuqda aan leeyahay iyo qadarinta aan halkaan ka helay. Anigu waxba igama maqna aan ka ahayn xoriyadeeydii, Ilaahaanan ka baryaaya inuu dib igu soo celiyo sida ugu dhaqsaha badan. Sababtoo ah ruux walba waa og yahay, oo ay ku jirto dowlada Marooko, in waxyaabaha la igu soo eedeeya, weerarkii Kasabalanka daraadiis, inaysan ahayn kuwo run ah. Kaasina waa qalad ay tahay in la saxo.
‘Anigu waxaan ahay Muslim kaliya’
Markii la eego su’aalaha iyo waxa ay fikradeeyda iyo arigtideeyda diineed halkaasoo ka hor inta aanan u soo guurin magaalada Hamburg ee Jarmalka, waa tanaa waxa ay fikradeeydu tahay: Anigu waxaan ahay qof ka masuul ah inuu isku keeno ilo kala duwan iyo waxaa laga yaaba inay maquul tahay inaan oran karo dul mar ahaan anigu ma aan aaminsani habka ay dadka qaarkii u fakarayaan intii aan soo bandhigay dooda ay ragaasi na soo hor dhigeen.
Anigu ma uu jiro sheekh qaas ah oo aan raaco oo aanka ahayn Quraanka iyo Sunaada Nabiga. Wixi aan intaas ka ahayn anigu waxaan ahay qof casri ah. 32 sanadood anigu waxaan ahaa macalin luqada Faransiiska iyo Xisaabta, iyo sidoo kale waxaan 30 sanadood ka soo shaqeeyay Da'waand waxaanan anigu nafteeyda ku taxluujiyay sidii aan dadka wax u bari lahaa anigoo raacay habka Wasaarada Arimaha Diinta ee Marooko. Taasina waxay ku sheegaysaa anigu waxaan ahay Muslim kaliya ee wax kale ma ahi. Anigu ma ahi ruux Jihaad nafiisa kaliya u diraya mana ahi Salafi. Anigu ma ahi Walaalaha Muslimiinta ama wax kale. Anigu ma ihi waxaan ahayn Muslim kaliya.
Markii la fiiriyo buugaagteeyda iyo qudbadahayga – kuwaasoo qaarkood ay ku jiraan fikradahayga ku aadan aragtideeyda - ruuxa eegayaa waa inuu qalbiga ku hayaa xaalada waqtigii iyo goobtii qudbada iyo waa inuusan ruuxu u macnaysan wax ka badelan sida ay u qoran yihiin. Anigu waxaan dadweynaha la socodsiinayaa inay weeraro fara badan oo dacaayad ah ay igu soo qaadeen kooxaha Bariga (leftist) ee Marooko. Waa la i caayay, been la iga sheegay, aniga waxaa la iga soo qoray qoraalo been ah oo lagu soo daabacay jaraa'idka. Iyo waxyaabo fara badan oo aan buugagteeyda ku qoray waxaa looga jawaabay dagaal iyo ficilo si difaacid ah. Iyo anigu waxaan qirtay in aan mararka qaarkood xadkeeygii soo dhaafay si aan uga hor tago waxyaabihii aan ka maqlayay cadowgayga kooxaha bariga iyo awoodaha kaleba. Marka markii aad buugayga iyo qoraaladeeyda aqrinayso waa inaad arintaas fahantaa.
'Anigu waxaan iskaga tagay qaar ka mid ah waxyaabihii aan aaminsana’
Shaki la’aan, waxaa ah in sanadihii faraha badnaa ee aan anigu xabsiga ku jiray in ay i siiyeen fursad balaran oo aan dib ugu eego fikradahaygii. Anigu ka xishoon maayo in aan anigu mar labaad muujiyo fikradeeyda ku aadan aduunka iyo inaan iskaga tagay qaar ka mid ah fikradahaygii. Arnitaasi waa arin weyn ee ma aha in laga xumaado.
Markii aanu u soo noqono su’aalahii ku saabsanaa Muslimiinta qaxootiga ku ah Wadanka Jarmalka ama Wadamada Reer Galbeedka guud ahaan: Qofka ugu horeeya ee ay tahay inuu ka jawaaba su’aalahaasi waa dadka bartay ee u guuray wadamadaas, sababtoo ah iyagaa wax badan ka og xaalada ay ku nool yihiin iyo xiriirka ka dhaxeeya, iyaga halkaas ku nool maalin walba oo arkaya sida ay u dhaqmaan xubnaha dowladaas iyo waxay xiriir la leeyihiin dadweynahaas.
Laakiin haddii aan wax ka iraahdo fikradeeyda shaqsiyaanka, anigoo ah qof labo mar oo kaliya tagay Jarmalka oo labo sitimaan oo kaliya ku noolaa halkaas – ma aanan helin waqti igu filan oo i ogolaanaya inaan wax badan ka barto dadka, wadanka iyo bulshada Muslimiinta ah ee hakaas ku nool – marka waxaan oran lahaa qaxootiga Muslimiinta ah, iyadoo aan loo eegayn meeshii aad ka timid, badanaa waxay Jarmalka u tagaan inay halkaas wax ka bartaan ama ka shaqeeystaan, caafimaad u tagaan ama waxyaabo kale oo fara badn. Jarmalkuna waa aqbalay iyagoo sharuudo ku xiraya.
'Jarmalku ma ah goob lagu dagaalamayo’
Si hadaba uu habkaasi u shaqeeyo, noocyo fooman ah ayaa la buuxiyay iyo dhowr heshiis la sameeyay. Waxaanu ka hadlaynaa heshiis dhab ah oo ay tahay in la fuliyo. Runtiina taasi waxa aanu ku tilmaami karnaa waxa loo yaqaan AhdAmam, heshiis nabadgelyo oo ka dhaxeeya labada dhinacba iyo Ilaahay waxauu kitaabkiisa noogu sheegay: "Waxaa lagu siiyay nabadgelyo, waa inaad ilaaliso heshiiskaas."
Marka sidaas ayaa la raacayaa wixii jabiya heshiiskaasna – tusaale ahaan, cadeeysashada tuugadu inay tahay Xalaal ama u ogolaanshada in shacabka la laayo iyadoo lagu andacoonayo magaca Jihaadka ama la isu dayo in la sameeyo dad ka dhax abuura bulshada cabsi iyo argagax wixii la mid ah – aragtideeydu taasi waa jabin loo geystay heshiiskii iyo axdigii uu ruuxaas ku soo saxiixay safaarada, ama xafiiska immigrashinka.
Jarmalku ma aha meel lagu dagaalamayo. Jarmalku waa meel laga shaqeeysto, iskuulo wax lagu barto, goobo hantida lagu tacbado, isbitaalo wax lagu daaweeyo iyo suuqyo badeecada lagu iibsado. Si kale haddii aanu u dhahno, Jarmalku waa meel nabadgelyo leh oo lagu wada nool yahay oo leh nolol fiican - -- kuwaasoo ay u sabab yihiin in garsoorayaasha iyo booliska Jarmalku ay badbaadiyaan dadka ajnabiga ah oo ay u shaqeeyaan.
'Kooxaha Dib u Socdayaasha ah’
Waa dhab inay jiraan dad, oo kuwaasi aanay ahayn kuwo hada wax baranayee, oo yiraahda in Jarmalku uu ka tirsan yahay NATO oo uu Jarmalku qeyb ka yahay wadamada la dagaalamaya Muslimiinta Afghanistan oo ay taagyeeraan dowlada Israa’iil.
Anigu waxaan oranayaa waa sax. Cadaalad darona mar kasta waxay ahaaneeysaa Cadaalad daro oo qof walba waa inuu ka hor tagaa, oo ay ku jiraan dadka Jarmalka ah. Anigu waan ogahay in (Dadka Jarmalka) ay ka so horjeedaan dagaalka iyo qabsashada oo ay in ka badan hal mar muujiyeen diiditaanka dagaalka guud ahaantiisaba.
Waa shaqada dadka qaxootiga inay kala doodaan iyo kala qeyb galaan dadka kale (Midaas waa in loo sameeyaa) hab muujinaya nabadgelyo , shaqo joojin iyo banaanbaxyo ay aad uga maran tahay weerarada aan loo aabo yeelin cidna, dilitaanka shacabka iyadoo lagu doodayo inay yihiin Kufaar, ama diinta qaadan.
Diiditaanka Jarmalka iyo siyaasadaha wadamada kale ee shisheeyaha waa in loo qabtaa si nidaamsan oo shacbiyan ah, oo ah hab nabadgelyo leh oo diiditaan ah.
Quwada doodu kuma ay jirto xabada qoriga, dagaalo ama suuman bambooyin ah. Kuwaasi wax isbedel ah ma ay keenayaan. Waxay xoojinayso dib u socdimada Muslimiinta iyo waxay ka dhigaysaa koox qaldan oo nacasiin ah oo hoygoodu yahay buuraha dhexdooda oo aan meel ku lahayn Wadooyinka magaalooyinka Hamburg, Frankfurt, Berlin ama meel kaleba. Waana sidaas..
Anigu waxaan kula talin lahaa in dhamaanba si nabadgelyo leh loo wada noolaado’
Anigu waxaan kaloo doonayaa inaan midaas ku daro, iyadoo luqad cad ah, in in magaalada Hamburg (sababtoo ah su’aalaha la I soo weydiiyay ayaa waxay quseeynayeen Hamburg) waa magaalo ay ku wada nool yihiin dad badan oo kala diimo ah, kala fikrado iyo siyaasad duwan. Wixii aan ka ahayn midaas, Bulshooyin kala duwan oo diinta Islaamka haysata – ayaa sababaha aan kor ku soo sheegay iyo sababo kale oo la ogol yahay – ayaa intii muddo ah halkaas deganaa. Masaajidyadu wey furan yihiin, waxaana ku yaala kuwo fara badan, waana la badbaadiyaa. Waxaa ka jirta xorimo diineed oo run ah oo aan xataa ka jirin wadamo Muslimiin ah. Waxyaabaha laga barto iyo looga wacdiyaa waxaa la oran karaa wadamada qaarkood oo Muslimiin ah lagama helo.
Waxaa jira hab iyo suura galmino badan oo aad naftaada ku muujin karto, waxayna u furan yihiin ruux walba. Mar labaad, wey ku adag tahay arintaasi wadamo Muslimiin ah. Ma ay jiraan wax kaa hor istaagaya faafinta diinta. Sida uu sharcigu qabo ee maquulka iyo xiriirka guud ee ka dhaxeeya qofka wax marti gelinaya iyo qofka martida ah, qofku waa muujin karaa fikradiisa asagoo matalaya diintiisa.
Anigu xataa ma aaminsani in hogaamiyayaasha (Jermalku) ay albaabada ka xiranayaan ama ay dhagahooda ka daboolayaan codsiga bulshada Muslimka. Taasina waa sababta aan idiinku dhiiri gelinayo inaad si nabadgelyo ah u wada noolaataan. Arlada balaaran ee Ilaahay waxay u furan tahay qof kasta oo aan awoodin. Iyo kuwa aan doonayn wax kale oo aan ka ahayn dilitaan, dhiig daadin, dhicitaan iyo xatooto wax shaqo ah kuma ay laha diinta Ilaahay -- haddii ay Jarmalka joogaan ama meel kaleba.
'Cunida Cuntada Uu Shaqeeysta Nafsad ahantiisa Waa Mid dhadhan fiican iyo Macaan’
Markii laga halayo helitaanka nolol maalmeedka, shaqada iyo shaqo la'aanta, anigu uma aan malaynayo in la ogol yahay inaad ku xirnaato dowlada Jarmalka oo aad diido inaad shaqeeysato, oo aad qaadato lacagta caawinaada dowlada ama wax la mid ah. Waa run inay jiraan shaqooyin aan ku haboonayn in Muslimiintu qabato oo aan xalaal ahayn, Laakiin sidoo kale waxaa iyana run ah inay jiraan kumanaan, iyo dhowr fursadood oo uu Islaamku banaynayo in laga shaqeeyn karo, oo xalaal ah, oo la ogol yahay.
Waxaa u fiican qofka (Muslimka) ahi inuu ku noolaado wax uu ku shaqeeystay gacantiisa iyo dhididka korkiisa ka yimaada waayo cuntada uu ku cuno lacagtiisu wey dhadhan fiican tahay oo macaan tahay.
Kuwa jooga wadooyinka magaalada Hamburg oo ka fakaraya Jihaadka Ilaahay daraadiisa, waa inay ka fakaraan noloshooda, sababtoo ah kaasaa ah jihaadka dhabtaa ee Ilaahay. Waxay runtu tahay Hamburg waxaa ku yaala 46 qol oo lagu tukado iyo taasi waxay calaamad u tahay ogolaanshada ay u muujisay dowlada Jarmalka dadka Muslimiinta ah. Ma ay jiraan kaniisado fara badn oo ku yaal dowladaha muslimiinta dhaxdooda. Anigu waan ogahay khilaafka ka dhaxeeya dadkii sameeyay masajidadaan iyo xitaa masjidyo qaas ah oo bulshooyin gooni ah ay leeyihiin. Waxay gaartay in kala qaybsanaantaasi ay noqoto mid ka mid ah kaaraktarada Muslimiinta. Habkaas xumi waxa uu dhaawacayaa awooda Muslimiinta.
Xitaa markii ay doonayaan inay arimo kala hadlaan dowlada Jarmalka, waxay dowlada ku wareeriyeen khilaafaadkooda.
Submissions and suggestions: contact@seventhpillar.net