Bishii Febraayo 2008, madaxda dugsiga Deobandi waxa ay soo saareen qoraalka loo yaqaan fatwa – oo ay ku taagyeereen xubno gaaraya 6,000 oo Hindi ah oo ka soo horjeeda dhibaatooyinka la geeysanayo iyadoo lagu magacaabayo diinta. Maamulka qeybta Conservative-ka Muslimiinta Deobandi iyo raacayaashooda ayaa waxaa raad ku yeeshay Talibaan.
Fatwa-daas waxaa lagu qoray warqada madaxa DarulUloom Deoband.(oo ay saxiixeen Mufti weyn iyo sadexdiisa caawinayaal ee Qeybta Fatwa ee Darul Uloom Deoband).
Magaca Eeban ku billaabayanaa, ee naxariista guud iyo mid gaar ahba naxariista.
Jawaabta (oo ay la socoto naxariista Illahay): Islaamku waa diin nabadeed. Sida uu Islaamku qabo, in bulshada dhaxdeeda laga abuuro colaad ama amar diido, jebin sharciga nabadgelyada, banaan baxyo qaylo leh lagu sameeyo. Dhiig lagu daadiyo, in dadka xoolaha laga dhaco ama laga xoogo iyo dilitaanka dadka aan waxba geysani ee lagu diilo meel kasta oo ka mid ah DHAMAAN aduunku inay tahay denbiyada ugu waaweyn ee bini aadanka ka soo hor jeeda.
Waxaa jira dhowr suuradood oo quraanka ka mid ah oo si cad u mabnuucaya in la jabiyo nabadgelyada. “Ha ku faafin Aduunyada Colaad ka dib markii si nabadgelyo leh loo sameeyay” (Surah Aaraf, V. 56); “Markii uu jeesadana, socdana dhulka fasahaad daraadiis iyo inuu haligo faraca beeraha iyo lodaba laakiin ilaahay ma jecla fasahaadka.” (Surah AlBaqarah V. 205); “ Iyo ha ku faafin colaad (wajiga) arlada” (Surah alBaqarah V. 60). Quraanku waxa uu si cad u sheegayaa dilitaanka (xitaa) hal qof oo aan denbi lahayn in ay la eg tahay inaad dishay bini aadanka oo dhan sababtoo ah waa sida adigoo furaya albaabada fatahaada biyaha celiya oo sameeynaya xaalado aanu ruuxna kontorooli karin; iyadoo ay badbaadinta hal ruux noloshiisa ay la eg tahay inaad badbaadisay aduunka oo dhan. Illaahay waxa uu yiri “ Arintaas daraadee, ayaan ugu jidaynay reer Banii –Israa’iil cidii disha naf aan (dilin) naf ama fasahaadin dhulka waxay la mid tahay inuu dilay dadka dhamaan, cidii noolaysa nafna (Korisa) waxay la mid tahay isagoo nooleeyey dadkoo dhan,” (Surah Maidah, V. 32) meelo kalena waxaa si cad loogu amraayaa, “ iyo ha dilin ruux laga xaarintimeeyay dilitaankiisa wixii aan ka ahayn sabab cad.”
Xadka uu Islaamku gaarsiiyay nabadgelyada waxaa laga arki karaa run ahaantii in kastoo uu ku siinayo xaq aad iskaga difaacdo soo duulitaanka, waxa uu si cad uga hadlayaa in aanan lagu ogolayn inaad isticmaasho awood dheeraad ah oo aarsasho ah iyo waxa uu si cad u mabnuucayaa in wax loo geysto dad aan denbi lahayn. Midaas, Illaahay awooda lehi waxa uu yiri "Ula dagaalama Illaahay daraadiis kuwa idinla dagaalama laakiin ha ka gudbina xaduudiina; illaahay ma jecla kuwa xadkooda ka talaaba”. Sababtaas daradeed weeye waxa uu Nabigii (NNKH Ahaate) uu si cad u sheegay in xitaa xiliga dagaalka, la ilaaliyo xaquuqda bini aadanka. Dhowr tusaale oo arintaas ku saabsan waxaa laga heli karaa barashada sunada nabiga.
Islaamku waxa uu na barayaa in dhamaanba wixii uu Illaahay abuuray ay wada yihiin hal qoys oo kale iyo ruuxii qalqiga Illaahay U naxariista uu Ilaahay ugu jecel yahay (Baihaqi). Nabigeenii Maxamad (NNKH ahaate) waxa uu yiri in Ilaahay uu u naxariisto kuwa iyaguna u naxariista bini aadanka kale. Haddii aad ula dhaqanto si naxariis leh abuuritaanka ilaahay ee dunida adigana abuuritaanka Janada (Ilaahay) ayaa ku naxariisan doona adigana (Tirmizi, Abu Dawood).
Markii la soo koobo, Islaamku waxa uu ka soo horjeedaa dhamaanba dagaalada aan habooneeyn nooc kasta oo ay yihiin, jebinta nabadgelyada, daadinta dhiiga, dilitaanka iyo dhicitaanka noocay doonaanba ha ahaadeene. Waxaana saldhig u ah ujeedada guud ee Islaamku in aad isku caawisaan raacitaanka waxa wanaagsan iyo sababta qeyrku ku jiro iyo INAADAN CAAWIN QOF KASTA oo denbi sameeynaya ama wax yeelitaan kaleba.
Illaahay Awoowda lahi waxa uu yiri: “Isku caawiya wanaaga iyo cabsida illaahay laakiin ha isku caawinina denbiga iyo colaada xun ee hoose.” Arintaasi waxay marqaati cad ka tahay tilmaanta uu na siinayo Quraanka barakaysan in eedaha argagaxisnimadu ay ka soo horjeedo diinta sida Islaamka oo kala kuwaasoo ku andacoonaya in nabadgelyada aduunku ay tahay wax been ah. Run ahaantii Islaamku waxa uu u dhashay inuu aduunka ka baabiyo nooc kasta oo argagaxnimo ah iyo inuu aduunka ku faafiyo fariin ah aduunka oo nabadgelyo leh. Illaahay baa yaqaan sida ugu fiicanee.
Waxaa saxiixay:Mufti Habibur Rehman, Grand Mufti, Waxaana dib u eegid ku sameeyay Darul Uloom Deoband: 1. Zainul Islam Qasmi (Ku xigeenka Mufti, Darul Uloom Deoband) 2. Mufti Waqar Ali (Caawiiyaha Mufti Darul Uloom Deoband) 3. Mufti Mehmoodul Hasan Bulanshehari
Waxaana lagu sameeyay saxiixa DarulIfta, Darul Uloom Deoband
Submissions and suggestions: contact@seventhpillar.net