• EnglishClick to open the English menu
    • Nasir Abas
    • Deobandi Leadership
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • Libyan Islamic Fighting Group
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah Against Bin Ladin
    • Salman al-Awdah Refutation of Awlaki
    • A Rescued Child Suicide Bomber
    • Salafi Refutation of Awlaki
  • BosanskiClick to open the Bosanski menu
    • Nasir Abas
    • Deoband vodstvo
    • Salman al-Avdah
    • Muhamed El Fazazi
    • Kadrija Fetva
    • Dr. Fadl
    • HASAN HATTAB
    • Libijska islamska militantna grupa
    • Spašeni dječak bombaš-samoubojica
  • فارسیClick to open the فارسی menu
    • نصير عباس
    • ديوباندى
    • سيد إمام الشريف
    • محمد الفزازى
    • حسن حطاب
    • روه مبارزه اسلامی لیبی
    • قدرى
    • سلمان العوده
    • نجات کودک قربانی
  • босанскиClick to open the босански menu
    • Насир Абас
    • Деобанди вођство
    • Др. Фадл
    • Мухамед Ел Фазази
    • Хасан Хатаб
    • Либијска исламска милитантна група
    • Кадријева Фетва
    • Салман ал-Авдах
    • Спашени дјечак бомбаш-самоубица
  • Нохчийн моттClick to open the Нохчийн мотт menu
    • Насир1аббас
    • Деобандин лидералла (коьрталла)
    • Докторан Фадль
    • Мохьаммад Эль-Фазази
    • Хасан Хаттаб
    • Ливий Исламан т1еман тоба
    • Кадри Фетва
    • Салман аль-Авдах!
    • К1екхьарадаьккхина бер-террорист-далархо
  • 简体字Click to open the 简体字 menu
    • 纳西·阿峇斯
    • 德奥班德派的领袖
    • Dr.法德勒博士第一本反恐怖主义的著作
    • 穆罕默德‧伊尔‧法扎兹
    • 哈桑哈塔布
    • 利比亚伊斯兰战斗组织
    • 卡德里的教令
    • 萨勒曼阿勒-欧达
    • 获救的儿童自杀炸弹
  • عربيةClick to open the عربية menu
    • نصير عباس
    • الدكتور سلمان العودة
    • سلفيين ضد العولقي
    • القيادة الديوباندية
    • حسن حطاب
    • قادري
    • نجاة طفل انتحاري
  • NederlandsClick to open the Nederlands menu
    • Nasir Abas
    • Deobandi Leiderschap
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • De Libische Islamitische Gevechtsgroep
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah
    • Een geredde jeugdige zelfmoordterrorist
  • FrançaisClick to open the Français menu
    • Nasir Abas
    • Le leadership deobandi
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • Groupe islamique des combattants libyens
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah
    • Un enfant kamikaze rescapé
  • اردوClick to open the اردو menu
    • ناصر عباس
    • دہشت گردی کے رد میں ڈاکٹر فضل کی پہلی کتاب
    • محمد الفزازی
    • حسن حطاب
    • لیبین اسلامی گروپ برائے حرب
    • سلمان الاودھ
    • ایک بازیاب کردہ خود کش بمبار بچہ
  • DeutschClick to open the Deutsch menu
    • Nasir Abas
    • Die Deoband-Führung
    • Dr. Fadl
    • Hassan Hattab
    • Die Libysche Islamische Kampfgruppe
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah
    • Rettung eines kindlichen Selbstmordattentäters
  • हिन्दीClick to open the हिन्दी menu
    • नसीर अब्बास
    • देवबन्दी नेतृत्व
    • डा. फ़द्ल की आंतकवाद के िखलाफ़ पहली िकताब
    • मोहम्मद एल फज़ाज़ी
    • हसन
    • लीिबयन इस्लािमक लड़ाकू दल
    • क़ादरी फ़तवा
    • सलमान अल-अवध
    • एक छुड़ाया गया आत्मघाती हमलावर बच्चा
  • Bahasa IndonesiaClick to open the Bahasa Indonesia menu
    • Nasir Abas
    • Kepemimpinan Deobandi
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • Kelompok Pejuang Islam Libya
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah
    • Seorang Anak Pelaku Bom Bunuh Diri Yang Diselamatkan
  • كوردیClick to open the كوردی menu
    • نصير عباس
    • ديوباندى
    • سيد إمام الشريف
    • فزازى
    • حسن
    • LIFG
    • قدرى
  • Bahasa MelayuClick to open the Bahasa Melayu menu
    • Nasir Abas
    • Kepimpinan Deobandi
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • Kumpulan Pejuang Islam Libya
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah
    • Pengebom Berani Mati Kanak-kanak Yang Diselamatkan
  • AfsoomaaliClick to open the Afsoomaali menu
    • Nasir Abas
    • Hogaamiyayaasha Deobandi
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • Kooxda Dagaalyahanada Islaamka Liibiya
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah
    • Cunug Bambo Isku qarxiye ah oo la badbadiyay
  • EspañolClick to open the Español menu
    • Nasir Abas
    • Liderazgo de los Deobandi
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • Grupo de Lucha Islámica Libia
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah
    • Niño terrorista suicida rescatado
  • TagalogClick to open the Tagalog menu
    • Nasir Abas
    • Pamumuno ng Deobandi
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • Libyan Islamic Fighting Group
    • Dr. Qadri
    • Salman al-Awdah
    • Isang iniligtas na Batang "Suicide Bomber”
  • TürkçeClick to open the Türkçe menu
    • Nasir Abas
    • Deobandi Liderliği
    • Dr. Fadl
    • Mohammed El Fazazi
    • Hassan Hattab
    • Libya İslami Mücadele Örgütü
    • Dr. Kadri
    • Selman El-Avde
    • Kurtarılan İntihar Bombacısı Çocuk
  • தமிழ்Click to open the தமிழ் menu
    • Tamil-Nasir Abas
    • Tamil-Deoband
    • Tamil-Fadl
    • Tamil-Fazazi
    • Tamil-Hassan Hattab
    • Tamil-LIFG
    • Tamil-Qadri
    • Tamil-Awdah
    • Tamil-Rescued Child Suicide Bomber
  • ภาษาไทยClick to open the ภาษาไทย menu
    • นาซิร อาบาส
    • ผูนํากลุมดีโอบันด 
    • การถอนคำพูดจากอียิปต์
    • โมฮัมเหม็ด เอล ฟาซาซ 
    • ฮัสซัน ฮัตทาบ
    • กลุมนักสูชาวอิสลามในลิเบย
    • กาดริ ฟตวา 
    • ซัลมาน อัล เอาดะฮ
    • เด็กที่ไดรับการชวยชีวิตอดีตมือระเบิดพลีชีพ 

Cunug Bambo Isku qarxiye ah oo la badbadiyay

Wiil  14 sanno jir ah oo degenaa dhulka qabaa’ilka gobolka Bajaur, waqooyiga bari ee Bakistaan, ayaa waxa uu sheegay in ay qabsadeen ciidamada Taliban si ay ugu soo xiraan bambo uu isku qarxiyo.

Qoraalka soo socdana waa warbixintiisii oo buuxda oo uu uga waramayo wariye BBC-da:

 

Shan ruux ayaa waxay iga soo qabteen meel la yiraahdo Bajaur. Wey i sireen. Waxay isku yiraahdeen aabahaa ayaanu qoorta ka jaraynaa.

 

 Ayagii ayaan raacay laakiin markii aanu meeshii tagnay aabahay ma uusan joogin.  Wey i xirxireen.

 

Waxay i yiraahdeen:  Labo waxyaabood mid dooro.  Inaanu madaxa kaa gooyno, ama inaad noqoto bam isku qarxiye.

 

Anigu waan diiday.

 

Waxaa sidoo kale joogay labo wiil oo da'dayda oo kala.  Waxaana sidoo kale loo tababarayay inay bam isku qarxiyaan.  Haddii aanu diidno gacamahay gadaal inta iskugu kaaya xiraan, indhahana naga daboolaan bilaabi jireen inay na garaacaan.

 

Maskaxday naga badaleen iyo waxay noo sheegeen inaan janada geli doono.  Waxay nagu yiraahdeen waxaad heli doontaan ‘malab iyo macmacaan ilaahayna waa idinka raali ahaan doonaa.  Waxaad guri qurux badan ka heli doontaan Janada.’

 

Waxaanu weydiisan jirnay inay noo ogolaadan inaanu tukano.  Waxay noogu jawaabeen ’waxaadba u socotaan Janadii ee uma aad baahnid inaad tukato.'

 

Waxay si aad ah ii garaacayeen shan casho.  Wax cunto ahna la ima siin. Intii ay i garacayeena ayaan waxaan ka yeelay inaan is qarxin doono.  Waxay iga soo wadeen caruurtii kale.

 

Waxay i geyeen qol mugdi ah oo bilaabeen inay kaniini i siiyaan.  Aniga waxaa la ii geeyay Maulvi Fakir [Madaxa ciidamada Talibaan ee Bajaur]. Is diyaarintaas balaaran ka dib waxay i dhaheen waa inaad tagtaa oo qabataa shaqadaada oo ah inaad isku qarxiso masaajidka.

 

Waxa uu iska ahaa masaajid iska caadi ah laakiin wadaadka masaajidka ayaa waxa uu ka soo horjeeday Talibaan, iyaguna waxay ku magacaabeen inuu cadawgooda yahay oo uusan ilaahay rumaysanayn, oo uusan muslim ahayn.

 

Waxay iga saareen shaarkii aan qabay oo garbaha ii geliyeen jaakad.  Waxay lahayd labo meel oo la soo jiido oo feeraha ii saaran.  Waxay igu yiraahdeen markii aad meesha takto waxaad tiraahdaa 'Allahu Akbar' [Ilaahay baa Weyn ] iyo markaas soo jiid labadaan xarig.  Markaasay meeshii i geeyeen, oo i tuseen masaajidkii oo ay iga tageen halkaas.

 

Aniga meesha waa la i geeyay anigoo wareesan oo waxba aan dareemayn.  Waxaa ii soo noqday dareenkaygii markii aan masaajidka imid.  Waxaan arkay in wadaadku yahay qof nabadgelyo bixinaya oo iska maskiin ah, iyo waxaan kaloo arkay in masaajidku ay ka buuxeen kitaabo quraan ah. Anigu waxan kaloo arkay in ay dad badani halkaas ku tukanayeen.  Markaasaan waxaan is dhahay dhamaanba dadkaani waa Muslimiin.  Sidee ayaan midaas ugu sameeyn karaa?  Waxaan go’aansaday inaan is qarxin oo banaanka ayaan u so baxay.

 

Waxaan hoos fadhiistay geed masaajika ku hor yaalay oo waxaan sugay intii ay dadku salaada ka soo baxayeen.  Markaas ka dib waxaan dib ugu soo noqday Talibaan.  Halkaasoo ay iigu yiraahdeen waxaad tahay ‘wiilkii sharmuutada’ oo ay i weydiiyeen sababta aan u soo noqday oo aan howsha u dhameeyn waayay.

 

Waxaan ku dhahay ma samayn karin waayo waxaa la baarayay dadka korkooda inta aanay meesha gelin ka hor.  Waxay iga qaadeen suunkii bamka oo ay u dhiibeen  Maulvi Fakir.

 

Wey i xir xireen laakin waxaan ku iri fursad kale i siiya anigaa sameeyn doonee.  Waana i aamineen.  Iyagaan si caadi ah ula joogay dhowr maalmood.  Jidkaan tagay, waxaan helay gaadiid oo waxaan imid gurigeenii.  Waxay iiga daba yimaadeen gurigii.  Waxay doonayeen inay ogaadaan haddii aan weli halkaas joogo iyo haddii aan meel kale aaday.

 

Talibaan aad ayay ii garaaceen ilaa uu dhabarkaygii yeesho calaamado. Markii ay waalidkeeygu arkeen midaasna hooyadeey waxay biloowday inay ooyso, oo waxay igu tiri halkaas ha ku noqon.  Aabahay ayaa waxa uu weydiiyay sababta aay wiilkiisa u raadinayaan.  Maalin ayuu waxa uu qaatay hubkiisii si uu ula soo dagaalamo.  laakiin waxay doonayeen inay isaga dilaan markaasuu inta uu gurigii ku soo noqday albaabkiisii hoosta ka xirtay.

 

Talibaan intii aysan imaan ka hor waxaanu haysanay xornimo buuxda, waanu cayaari jirnay iyo iskuul dhigan jirnay.  Wax xanibaad ahna nama aysan saarnayn. Subaxii iyo habeenkiiba waxaanu cayaari jirnay cayaaro, iyo waxaan la sheekeeysan jirnay saaxiibadeen.  Waxaanu heesaha ka dhagaysan jirnay telefoonkeena gacanta.  Wey mabnuuceen.  Waxay naga joojiyeen inaanu waxba sameeyno.  Waxay naga joojiyeen inaanu cayaarno cricket-ka iyo inaanu iskuul dhigano.  Waxaanu dareemaynaa inaanu maxaabiis oo kale nahay.

 

Anigu waxaan doonayaa inaan ku biiro ciidamada sababtoo ah waxay difaacayaan dhulkeena.  Waxay u dagaalamayaan sabab sax ah. Anigu waxaan doonayaa inaad dagaal la galo Talibaan.  Anigu ujeedo kale ma lihi aan ka ahayn inaan difaaco dhulkeena.  Talibaana waa in la baabiyaa.

 

Anigu waxaan doonayaan inaan u sheeg Talibaan inay yihiin wax aan naxariis lahayn, waxa ay igu sameeyeen ay ahayd cadaalad daro.  Anigu ma aan dili karo dad muslim ah oo aan waxba geysan.

 

Anigu kama aan cabsanayo ayaga.

Submissions and suggestions:  contact@seventhpillar.net